Jabuuti oo musaafurineysa Askar Itoobiyaan ah

Askratan ayaa waxaa ku jira taliyeyaal iyo saraakiil ciidan.

Warar Keydmedia Online
Jabuuti oo musaafurineysa Askar Itoobiyaan ah

Dowladda Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa in ay dalkeeda ka musaafurineyso 16 askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya, kuwaasi oo gacan saar la leh Jabhadda difaaca Tigreyga.

Askartan ayaa waxaa qabtay ciidamada ilaalada Madaxtooyada, waxaana ay isugu jiraan Talyeyaal ciidan iy Korneelo, iyadoo lagu hayey xarunta hay'adda sirdoonka Jabuuti.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in askartan dalkooda loo celinayo, laguna wareejin doono dowladooda.

Itoobiya ayaa waxaa ka jirta xaalad adag gaar ahaan gobolka Tigreyga oo ciidanka Milatariga ka wadaan howlgal gaar ah, waxaana halkaasi ka socda dagaallo culus.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.