Jabuuti oo wada-hadal Nabadeed ugu baaqday Itoobiya

Jabuuti ayaa noqoneysa dalkii Saddexaad oo Africa oo baaq u dira Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Jabuuti oo wada-hadal Nabadeed ugu baaqday Itoobiya

JABUUTI, Jabuuti - Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray isla markaana ay diyaar u tahay dadaal kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe ee haatan ka socda gobolkaas.

“Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxay sheegtay in si weyn ay uga walaacsantahay dagaallada.

Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu shaley qaabilay wafddi ka socday Itoobiya.

Laba todobaad ka hor  ayay ahayd markii ciidamada dowladda Itoobiya oo fulinaya amarka ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay weerar milatari ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Colaadda ka taagan gobolka Tigray ayaa sababtay geerida in kabadan boqol qof halka kumannaan kalena ay ku barakaceen.

Sidoo kale colaadda gobolka Tigray ayaa durbaba saamaysay dalalka Suudaan iyo Eretrea.

Jabhadda TPLF oo dowladda Eretrea ku eedeysay in ay la safatay ciidamada ra’iisul wasaare Abiy ayaa weerar gantaallo ay u adeegsatay ku qaadday Asmara.

Suudaan oo la deris ah gobolka uu dagaalka ka socda ayaa iyana sheegtay in qulqulka qaxootiga dagaallada ka soo baxsanaya uu dalkeeda kusii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dhagaha ka fureystay baaqyo nabadeed oo uga yimid Midowga Afrika iyo Qramada Midoobay isaga oo wacad ku maray in uu sii wadi doono duullaanka gobolka Tigray oo uu ugu yeeray mid lagu dhaqangelinayo dastuurka dalkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.