Jadwalka cusub malagu soo gaba-gabeyn karaa doorashadda?

Madaxda ku shiray Muqdisho waxay u muuqdeen inay iska weecinayeen tooshkii ku shidnaa iyo cadaadiska Beesha Caalamka iyo Musharixiinta Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka cusub malagu soo gaba-gabeyn karaa doorashadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib u dhac soo noq-noqday xilli uu jiro khilaafka Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa walaac geliyey Beesha Caalamka.

Madaxda Maamulada iyo Rooble ayaa ku dhawaaqay shalay inay heshiis ku gaareen in doorashada Gollaha Shacabka lagu dhameeyo 25-ka February, laga billaabo 15-ka bishan.

Su'aallo badan baa durba ka yimid, oo ku saabsan sida ay suurta-gal ku noqonayso in 251 Xildhibaan lagu doorto 40 maalin, iyadoo horey 55 maalin ku qaadatey doorashadda 24 kursi.

Heshiiska ayaa ku yimid wadahadal lix maalin socday, oo madaxda ku yeesheen Teendhada Afisyooni, Muqdisho, kadib cadaadi uga yimid Rooble iyo Maamulada dhinacyo badan.

Rooble iyo Farmaajo ayaa muddo dheer ku muransanaa doorashada iyo maamulkeeda, waxaana dagaalkooda uu sababay boob iyo musuq-maasuq soo xulista Xildhibaanada cusub.

Beesha Caalamka ayaa qeylo dhaan ka soo saartay khilaafka, iyadoo ku baqday in xasiloonida dalka la ilaaliyo xili kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ay labo jibaartay weerarada dalka.

Khilaafka labada mas’uul ayaa cirka isku shareeray bishii hore markii Farmaajo uu shaqada ka joojiyay Rooble, oo ah ninkii uu isaga laftiisa u doortay Ra’iisul Wasaaraha September 2020.

Doorashada waa mid dadban oo qalafsan, oo ay Xildhibaanada Maamulada iyo Ergooyinka Beelaha soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka, kuwaasoo kadib dooranaya Madaxweynaha.

Muddada afarta sano ah ee Farmaajo waxa ay ku ekeyd 8-dii Feb 2021, balse Baarlamaanka ayaa u kordhiyey labo sano bishii April, taasoo dhalisay dagaalo ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu ku tuntay dastuurka, islamarkaana uu isku dayay inqilaab isaga ka dhan ah mudo labo jeer ah sanadkii tagey, kuwaasoo dhamaan la fashiliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.