Jadwalka doorashada Aqalka sare ee Somaaliland oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee ay dhaceyso doorashada kuraasta Aqalka sare.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka doorashada Aqalka sare ee Somaaliland oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya- Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka Sare, iyadoo toddobaadka soo aadan ay dhici doonto Doorashada 11-ka Kursi ee Aqalka Sare.

Liiskii musharraxiinta ee la shaaciyay maanta ayaa waxaa ugu horreeyay Kursiga uu Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaligiis ayaana loo asteeyay, wuxuuna kursigaan noqon doonaa midka kaliya ee aan ugu yaraan labo musharax lagu qorin, oo ay iska sii cadahay ruuxa ku soo baxa, kaliya uun waa dooro ruuxa dooran.

Cismaan Abokor Dubbe, oo ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku jira liiska soo baxay, halka uu sidoo kale qeyb ka yahay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dib u dhaca doorashada Kuraarsta Aqalka sare ee gobollada Waqooyi ayaa sabab u ahaa khilaaf hareeyay dhexdooda, taas oo markii dambe laga heshiiyay, balse ma cadda sida doorashadu u noqon doonto mid lagu wada qanco oo ka marnaato khilaaf iyo faragelin.

Halkan hoose ka akhriso Jadwalka doorashada ee gobollada Waqooyi.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.