Jadwalka Doorashooyinka iyo sida loo qeybsadey Xildhibaanada

Waxaa muuqata in doorashadda Soomaaliya ay yeelatay jiho la raaco, iyadoo laga saarey meesha mad-madowgii jiray ee ku aadanaa inay dib u dhac iyo mudo korarsi jiri doonaan.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka Doorashooyinka iyo sida loo qeybsadey Xildhibaanada

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw lasoo saarey Jadwalka Doorashooyinka Baarlamaaniga iyo mida Madaxweynaha, iyadoo sidoo kale la shaaciyay qaabka loo qeybsanayao Xildhibaanada labada aqalka ee Baarlamanka.

Maamullada ayaa loogu qeybiyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka sidan: 

Puntland: 37

Koonfur Galbeed: 69

Jubbaland: 43

Hirshabelle: 38

Galmudug: 37

Somaliland: 46

Banadir: 5

Wadarta waa 275 Xildhibaan.

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay jadwalka doorashooyinka, iyadoo lagu hormarin doono xubnaha Aqalka Sare, oo ka kooban 54, iyagoo ay dooran doonaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada 1-da December illaa 10-ka December.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka doorashadooda waxay dhacaysaa 10-ka illaa 27-ka December, iyadoo gudoonka labada aqalka la dooran doono 1-da January illaa 8-da oo Madaxweynaha la dooran doono.

Sida Xildhibaanada loo qeybsanayo:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.