Jadwalka khudbadaha shirka Afisiyooni oo lasoo bandhigay

Waxaa la shaaciyay Jadwalka hadal-jeedinta shirka lagu wado inuu berri ka furmo teendhada Afisiyooni ee ay ku ballansan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada

Warar Keydmedia Online
Jadwalka khudbadaha shirka Afisiyooni oo lasoo bandhigay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goor dhaw la shaaciyay Jadwalka hadal-jeedinta shirka beri la filayo in uu ka furmo teendhada Afisiyooni ee gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaas oo socon doonaa muddo laba maalin ah.

Furitaanka shirka waxaa kasoo muuqan doona berri Hadal-jeedinta madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadaba ka tirsan Madasha Badbaado Qaran oo dabayaaqada toddobaadkii hore looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Labada maalin hore waxaa mudnaanta la siiyay doodda ku saabsan iyo ogolaashiyaha shirkii guddiyada farsamada ku dhex maray magaalada Baydhabo, doodda ku saabsan ammaanka doorashada iyo heerka laga gaaray iyo ugu dambeyn hadal-jeedinta madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir. Waxaa lagu soo gabagabeen doonaa kalmado la siiyay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale guddoonka sare ee Baarlamanka labadiisa aqal iyo RW xukuumadda xil gaarsiinta ah ayaa ka hadli doona, iyadoo uu soo xiri doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo!

Halkan hoose ka eeg hadal-jeedinta shirka berri ee Afisiyooni:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.