Jadwalkii doorashadda Farmaajo oo fashilmay

Waxay ahayd Maanta inay billaabato doorashadda, lana doorto Senatorkii ugu horeeyay ee Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Jadwalkii doorashadda Farmaajo oo fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Fashil ayaa ku yimid jawadalkii doorashadda uu degsaday Farmaajo, ee ahaa in Maanta oo ah 1-da December 2020 la doorto Senator-kii ugu horeeyay ee Gollaha Aqalka Sare.

Jadwalka oo  ay qaylo dhaan ka muujiyeen Musharixiinta Mucaaradka sidoo kalena Beesha Caalamka ku baaqday in la saxo qaladaadka ku jira ayaa shaqeyn waayay, waxaana dhacay wixii laga digayay ee ahaa dib u dhaca doorasho.

Baaqashadda ayaa loo sababeynayaa labo arrimood oo kala ah in Jubbaland iyo Puntland wali aysan soo magacaabin xubnaha ugu matelaya guddiyadii doorashada iyo in midka dowladda Farmaajo dhistay lagu muransan yahay.

Musharixiinta Mucaaradka waxay sheegeen inaysan ka qeybgalynin doorasho ay ogyihiin inuu ku guuleysan doono Farmaajo, iyagoo sheegay in gudiyadda dhisan aysan dhex dhexaad ahayn, oo ay ku jiraan xubno NISA katirsan, shaqaale dowladeed iyo taageeriyaasha Madaxweynaha xilka kasii degaya.

Rajada laga qabo inuu Farmaajo u tanaasulo danta dalka iyo dadka oo uu bedelo gudiyadda la diiday aad bey u yartahay, maadaama uu ku adkaysanayo go'aankiisa hore ee ahaa in hanaanka degsan lau qabto doorashadda.

Waxaa jirta xaalad cabsi ah, oo ku aadan in dalka fowdo iyo qalalaase ka dhacaan hadii la qaban waayo doorasho waqtigeeda ku dhacdo, oo xor iyo xalaal ah, iyadoo laga digay in marnaasho dhanka awoodda ah dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.