Jahwareerinta Shacabka Muqdisho xilliyada ay wax dhacaan

Magacaabista Agaasime ku xigeenka guud ee Madaxtooyada ayaa qeyb ka ah xeeladaha cusub ee hoggaanka Farmaajo la yimaaday.

Warar Keydmedia Online
Jahwareerinta Shacabka Muqdisho xilliyada ay wax dhacaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la timid xeelad cusub, taasoo lagu jahwareerinayo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho xilliyada ay wax dhacaan.

Madaxweyne Farmaajo oo kacdoon shacab ka cabsi qabo ayaa markasto uu rabo in uu wax magacaabo dib u dhigto, isagoo la fiirsado xilliyada ay jiraan marxaladaha adag sida siyaasadda iyo dhacdoonyinka xanuunka badan ku abuura shacabka, kadibna magacaabis sameeyo si loo yareeyo hadal heynta arintaas.

Xalay oo ugu dambeysay magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay daryanka Madaafiic cul culus, kuwaas shacabka Muqdisho cabsi badan ku abuuray, islamarkaana qal-qal gelisay xaaladda amni ee caasimadda oo maalmahaan aheyd mid faraha ka sii baxeysay.

Warka ku saabsan qaraxyadaan magaalada ka dhacay ayaa baraha Bulshada qabsaday, waxaana dadka oo dhan ay hadal hayeen in xaaladda magaalada caawa kacsantahay, iyadoona sidoo kale ciidamada amaanka waddooyinka qaar xireen.

Islamarkiiba si warka ku saabsan qaraxyada loo dilo, hadal heynta bulshadana loo weeciyo ayaa wareegto ka soo baxday Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmad loogu magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Madaxtooyada, si bulshada warkaan ugu mashquusho.

Arintaan ayay dad badan ku tilmaameen farsamada cusub ee hoggaanka Farmaajo uu la soo baxeen, si aan isha loola raacin.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.