James Swan iyo Qatar oo ka shiray xaaladda Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka hadda jooga Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
James Swan iyo Qatar oo ka shiray xaaladda Soomaaliya

DOHA, Qatar - Ergayga gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa magaalada Doha ee Caasimadda Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed Cabdiraxmaan Al-Thaani waxa uuna kala hadlay arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay dib u eegeen xiriirka wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Qatar ee ku saabsan Arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo kamid ah saaxiibbada ugu dhow dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u danbeeyay Soomaaliya ka taageereysay dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Qaramada Midoobay iyo Qatar ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawiya arrimo dhowr ah oo isugu jira dhinacyada, Amniga, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo dhinaca gargaarka Bani’aadanimada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafkii 2017-kii dhex maray dowladda Qatar iyo dowladaha xulafada ee ay hoggaaminayeen dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Qatar ayaa saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka hadda jooga Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.