James Swan oo ku milmay Siyaasadda Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku milmay Siyaasadda dalka Soomaaliya, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.

Warar Keydmedia Online
James Swan oo ku milmay Siyaasadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya JAMES SWAN waxaa 30 May 2019 loo magacaabay inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee Xafiiska UNSOM. James Swan ayaa baddalay Ergaygii ka horreeayay ee ay ceerisay dowladda madaxweyne Farmaajo markii uu fulin waayay islamarkaana uu qaaday tallaabooyin aysan ku qanacsaneen kooxda Farmaajo.

Haddaba su'aasha taagani waxay tahay maxaa ku soo beegay xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah in Ergayga gaarka ah ee QM James Swan uu soo dhex galo arrimaha Siyaasadda? iyadoo la doonayay in qaramada midoobay ay qiimeyso sida ay wax u socdaa, ayna kor joogto ka noqoto halka ay ku dhammaadaan siyaasadaha is diidan iyo sad bursiga ka socda gudaha Soomaaliya oo gaaray meel sare.

James Swan ayaa maanta la kulmay laba mas'uul ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowla goboleedyada dalka, waxa uu xafiiskiisa ku booqday Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira Doorashooyinka la filayo sanadkan in ay dalka ka dhacaan sida uu bartiisa Facebook kusoo qoray RW ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale James Swan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowla Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha maamulka Galmudug labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen arrimaha la xiriira Doorashooyinka dhawaan la filayo in ay dalka ka billowdaan.

Labada mas'uul uu la kulmay James Swan ayaa ah garabka Farmaajo ee u ololeenaya dib usoo laabashadiisa, waxayna u gogol xaarayaan sidii ay u boobi lahaayeem kuraasta xildhibaanada labada aqal ee BJFS. James Swan Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya waxa uu si toosa faraha ugula jiraa arrimaha doorashooyinka, isagoo madaxweyne Farmaajo ku garab taagan in uu boobo kuraasta, waxa uuna madaxda dowlad goboleedyada kala hadlay in ay billaabaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare isagoo u sheegay in loo soo fasaxayo lacagaha ay u baahan yihiin guddiga doorashooyinka.

Howlihii Qaramada Midoobay ee loo qorsheeyay xafiiska UNSOM ee uu maamulo Ergayga gaarka ah ee James Swan ayaa isku baddalay in lakala dallaalo siyaasadda dalka, halkii laga shaqeyn lahaa horumarinta iyo kor joogteynta xaaladda guud ee dalka, tan amniga iyo sida Al-Shabaab looga guleysan karo, la xisaabtanka hay'adaha hoos yimaada QM ee mashaariicda ka wada Soomaaliya iyo adeegyo badan oo muhiim u ah barakacayaasha Soomaaliyeed iyo qaxootiga ka imaanaya Yeman iyo Syria ee kusoo qul-qulaya dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.