Swan oo la kulmay Wasiir xili Xiisad Siyaasadeed dalka ka jirto

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Wasiiru Doowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan ayaa kawada hadlay xaaladaha Soomaaliya ka taagnaa muddooyinki danbe, gaar ahaan muranka ka dhashay sida loo maamulayo doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
Swan oo la kulmay Wasiir xili Xiisad Siyaasadeed dalka ka jirto

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Muqdisho kula kulmay Balal Cusmaan oo ah Wasiiru Doowlaha Arrimaha Dibadda.

Waxay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyinka bani'aadannimo iyo horumarinta, iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda ee ku aadan in doorashooyinka Baarlamaaniga iyo mida Madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri: “Wasiiru dowlaha ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma Amniga, Caddaaladda, Dhaqaalaha iyo Mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka Shacabka, isagoo daaha ka qaaday in Dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Daneeyayaasha kale”.

Xukuumadda ayaa isku dayaysa in Wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya ku qanciso Doorasshada aan heshiiska lagu ahayn oo ay ku dhawaaqday inay ka qabaneyso dalka si looga caawiyo Dhaqaalada ku baxaya oo 4 milyan lagu qiyaasay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.