Janaraal Xuud oo Farriin u diray DF iyo DG Hirshabeelle

Janaraalka hoggaaminaya Jabhadda la baxday Xaq-u-dirir ee ku sugan Gobolka Hiiraan Gen. Xuud ayaa farriin usoo diray madaxda DF iyo tan Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
Janaraal Xuud oo Farriin u diray DF iyo DG Hirshabeelle

BALADWEYNE, Soomaaliya - Gen. Abuukar Xaaji Jaamac oo loo yaqaan Gen. Xuud oo ah hoggaamiyaha koox hubeysan oo la magac baxday Jabhadda Xaq-u-dirir ee laga aas aasay Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne kana soo hor jeedda nidaamka Cali Guudlaawe iyo Dabageed loogu doortay in ay hoggaamiyaan Hirshabeelle ayaa maanta kulan la yeeshay Odayaal iyo Saraakiil ku booqatey Deegaanka Ceel-gaal oo fariisin u ah Jabhadda

Gen. Xuud ayaa odayaasha ugu tagey waan-waanta u sheegey in mudo 15-maalina gudahood uu ku soo dhisi doono maamul ka madax bannaan ka Hirshabelle ee lagu soo dhodhoobay magaalada Jowhar sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna sheegay in maamul loogu magac daray Hiiraan State looga dhawaaqi doono muddadaas gudaheeda. 

Xuud ayaa waxa uu diray farriin ku socota madaxda Dowladda Soomaaliya iyo tan Dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo ugu baaqay in ay isaga baxaan Baladweyne sida aan kasoo xiganey xubno kulankaas ka qayb galey.

Odayaasha iyo saraakiishii ka qeyb galay ayaa dib ugu soo laabtay goobihii ay ka baxeen iyagoo ku qancin waayay Jabhadda uu hoggaamiyo Xuud qorshayaashii ay u aadeen markii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.