Jarmalka: Burcad Badeed Qaxootinimo isku dhiibay oo Xabsiga la dhigay

Frankfürt (KON) - Boliiska Jarmalka ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah oo isku dhiibay Codsi Magangalyo oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed I.
Warar Keydmedia Online
Jarmalka: Burcad Badeed Qaxootinimo isku dhiibay  oo Xabsiga la dhigay

 Maxamed I., waxaa Xabsiga la dhigay Subaxdii Arbacada ee la soo dhaafay oo Bishu 08. 05.13, waxaana lagu Qabtay Xarunta Weyn oo ah Xeradda Qaxootida ee Dalka Jarmalka oo ku taala  Magaalada Giessen ee Gobolka Hessen.

 Boliiska Jalmaka ayaa Ninkaan Soomaaligaa ku Edeyey in u ahaa Iskuxiraha Afduubkii Markabkii la oranjiray Marida Marguerite iyo Shaqaalihii Saarnaa ee lagu Afduubtay Xeebaha Goboladda Bari 2010.

Boliisku Xiritaanka Ninkaan waxaay Cadeyn ugua dhigayaa Masawiro Ninkaan Soomaaligaa laga qaaday Xiligii u Afduubku Socday. Teeda kale, Boliiska Jarmalku ma sheegin Cadada Lacagta ay Markabka Madax Furashada looga qaatay.

Keydmedia.net