Jarmalka oo Ciidamo usoo diraya Muqdisho

Berlin (KON) - Xukuumadda Cusub ee Jarmalka ayaa Qorsheyneysa in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, si Ciidamada Dowladda Federaalka loogu tababaro gudaha Dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Jarmalka oo Ciidamo usoo diraya Muqdisho

Siduu Faafiyay Wargeysa DER SPIEGEL Dowladda Jarmalka ayaa dooneysa in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, si loo sii wado Barnaamijka Tababarka EUTM ee uu Midowga Yurub ka wado haatan Dalka Uganda.

Midowga Yurub ayaa Barnaamijka European Union Training Mission Somalia oo lagu soo koobo EUTM ku tababaro Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Barnaamijkaas Sanadihii dambe ka socda Bihanga Training Camp oo ku yaala Dalka Uganda.

Barnaamijkaan oo ay Qeyb ka yihiin 15 Dal ayaa waxaa horkacaya Dowladda Jarmalka.

Wasaarada Gaashaandhiga Jarmalka ayaa mudo Bil ah Qorsheyneysa sidii Ciidamada Jarmalka ee Bunderwehr ay Ciidamada Dowladda Federaalka tababar ku siin lahaayeen Muqdisho.

Siduu Telefisinka Koowaad ee Jarmalka, ARD shaaciyay, waxaa laga yaabaa in Bisha April uu Barnaamijka bilowday, lana keeno Ciidamada Jarmalka ee ugu horeeyay Magaalada Muqdisho.

Barnaamijka Tababarka EUTM ayaa waxaa losoo gudbiyay Soomaaliya dhamaadkii Sanadka 2013.

Keydmedia Online - Xafiiska London / Berlin