Jarmalka oo kordhinaya Dagaalka ka dhanka ah Burcadbadeeda Soomaaliya

BERLIN (Keydmedia) - Barlamanka Dalka Jarmalka ayaa ansixiyay in la kordhiyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ah ee ka qowlaysata Xeebaha ka baxsan Dalka.
Warar Keydmedia Online
Jarmalka oo kordhinaya Dagaalka ka dhanka ah Burcadbadeeda Soomaaliya

Kadib Dood dheer oo ay yeesheen Xildhibaanada dalka Jarmalka oo ka dhacday Golaha Barlamaanka dalkaasi ayaa waxa ay ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo Maraakiibta iyo Ciidamada dalka Jarmalka ee  ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadanaya Howlgalka loogu magacdaray Atlanta ee ka dhanka ah Kooxaha Burccad badeedda Soomaalida.

Inkastoo Mucaaradka dalkaasi ay ka soo horjeesteen in waqti kordhin loo sameeyo Ciidamada Jarmalka ayaa haddana Afhayeenka Barlamaanka dalka Jarmalka waxa uu sheegay in Codadkii la tiriyay ay u bateen in Waqtiga loo kordhin loo sameeyo Ciidamada Jarmalka, isagoo sheegay in hal Sano loogu daray Howlgalkooda islamarkaana uu ku egyahay 31 May , 2013-ka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada Jarmalka ee ku sugan xeebaha dalka Somalia inaysan dhaafi Karin wax ka baxan 2 km oo u dhiganta 1.2 miles haddii ay dhaco in dhulka loo dago oo lala dagaalamo burcad badeedda Soomaalida.

Hogaamiyaha xisbiga lagu magacaabo Opposition Greens Party (Die Grüne) Jürgen Trittin oo Keydmedia la hadlay ayaa sheegay in arintaasi ay tahay Qatar wayn oo ay u bareerayaan Ciidamada Jarmalka.

“Suurto galnimada in Ciidamadu ay 2Km oo dhinaca Dhulka ah ay aadaan waa mid Qatar ah oo ay suurto gal tahay in Dhibaato halkaasi ay inaga soo gaarto “ayuu yiri Juergen Trittin oo hogaan ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Opposition Greens party.

Qaar ka tirsan Wasiirada dalka Jarmalka ayaa soo dhaweeyay Go’aankan uu qaatay Barlamaanka dalka Jarmalka , waxaana ay sheegeen inay kordhinayaan la dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ah islamarkaana ay kula dagaalamyaan Bariga iyo Badda.

Keydmedia.net - Xafiiska, Berlin




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.