Jawaari iyo CC Warsame oo kulmay

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulmay

Warar Keydmedia Online
Jawaari iyo CC Warsame oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna mudane ka tirsan mudanayaasha Aqalka hoose ee BJFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guriga uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiye CC Warsame oo ku booqday hoygiisa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh Cusmaan Jawaari ayaa waxay kawada hadleen arrimaha laf-dhabar ka u ah dawlad dhisida dalka iyo sida ugu habboon ee lagu wajihi karo.

Mudane Jawaari waa xog-ogaal waaya arag ah, waxa uu si aada usoo shaqeeyay sanadihii u dambeeyay isagoo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud xilligeedii ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka, sidoo kalena doorashadii dhacday sanadkii 2017 ayuu mar kale ku guuleystay afar sano oo kale, balse hoggaanka hadda talada haya ee Farmaajo ayaa ku qasbay in Jawaari is casilo, waxaana lagu soo baddalay Guddoomiye Maxamed Mursal oo kamida shakhsiyaadka daacadda u ah Farmaajo ee la dhacsan siyaasaddiisa.

Jawaari ayaa hadda billaabay dhaqdhaqaaqyo ku aaddan arrimaha doorashooyinka, iyadoo la guda galay ololihii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya inkastoo ay dib uga dhacday xilligeedii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.