Jawaari oo ku biiray Shirka Musharixiinta

Waxaa sii kordhaya Mas'uuliyiinta tageysa Shirka ka socda Jazeera hotel, oo looga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Jawaari oo ku biiray Shirka Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku biiray Shirka Musharixiinta wali uga socda Jazeera hotel, oo ku yaalla kasoo horjeedka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Jawaari waxaa kusoo dhaweeyay madasha Sheekh Shariif iyo Musharixiin kale, isagoo sheegay inuu taageersan yahay dedaalka socda ee lagu diidan yahay hanaanka musuq-maasuqa ku jira ee doorashadda 2020-21.

Horey waxaa Shirka ugu biiray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa Abshir Bukhaari, iyadoo sidoo kale xalay ay goobta shirka tageen Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Muudey.

Shirka ayaa socda maalintii 4aad, waxaana la kordhiyay mudada oo markii hore ahayd 3 maalin, balse la ballaariyay si looga qeybgaliyay dhamaanka qeybaha bulshadda iyo siyaasiyiinta kale ee talooyinka iyo fekerka ku biirinaya Musharixiinta.

Dalabka Musharixiinta ayaa ah in la bedelo gudiyadda la sameeyay, islamarkaana la dhiso kuwa madax-banaan, oo dhex-dhexaad u noqon kara dhamaan dadka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya Febuary 8, 2021.

Farmaajo ayaa ka mas'uul ah xaaladda dalka uu marayo, maadaama uu jidkii ka leexiyay hanaankii doorashadda oo afartii sano mar dhici jirtay, taasoo musharaxiinta si siman oo dimuqraadi ah ugu tarmayayeen doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.