Jawaari oo gaaray Baydhobo Xilli ay jiraan ‘Xiisado Siyaasadeed’

Baydhobo (KON) - Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari & Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta oo Isniin ah Booqasho ku tagay Magaalada Baydhobo
Warar Keydmedia Online
Jawaari oo gaaray Baydhobo Xilli ay jiraan ‘Xiisado Siyaasadeed’

Wafdiga Jawaari oo ka tagay Muqdisho, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhobo, waxaana loo galbiyay Hoteel ku yaalla Magaalada, iyadoo Amaanka aad loo adkeeyay.

Wasiiro & Xildhibaano ayaa ku wehliya Safarka Gudoomiyaha, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan Maalmaha soo socda Odayaasha Deegaanka, Saraakiisha Ciidanka DFS, AMISOM & Madaxda Maamulada iska soo horjeeda ee ka jira Magaalada Baydhobo.

Ujeedka Safarka Jawaari ee Baydhobo, ayaa lagu sheegay in uu  yahay sidii Meel la isagu keeni lahaa, Dib u heshiisiina loogu qaban lahaa Dhinacyada isku haya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu muransan yahay 3 & 6 Gobol.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Baydhobo waxaa ka dhacay Dibadbax looga soo horjeeday Safar uu RW C/weli ju tagi lahaa Magaalada, kaasi oo la baaqiyay markii Dad caraysan & Ciidanka DFS ay isku dhaceen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho