Jen. Cabdalla Cabdalla oo digey weerarro Al-Shabaab

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ‘NISA’, Cabdalla Cabdalla, ayaa ka digay weeraro argagaxiso oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Jen. Cabdalla Cabdalla oo digey weerarro Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Jenaraal, Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay in 24-kii saac ee la so dhaafay ay kulamo qarsoodi ah yeesheen wakiillo ka kala socda Taliyaha Nabada Sugidda Fahad Yaasiin iyo Mahada Karatey oo ah xubin sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in u jeedka kulamadaas uu ahaa, sidii loo dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyo Siyaasiyiinta ka aragtiga duwan, Dowladda waqtigu ka dhamaaday.

“24 saac ee Lasoo dhaafay waxaa guryo qarsoodi ah oo Muqdisho iyo Ceelasha ku yaalla ka socday shirar ay leeyihiin wakiilo ka kala socda Labada Alshabaab (Fahad Yasin iyo Mahad Karatey) waxaana laga arrinsanayay sidii ay u dhibaatayn lahaayeen Shacabka Xamar iyo siyaasiyiinta ka aragti da duwan”. Ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

Jenaraal, Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay in laga yaabo in Kooxda Al-Shabaab maanta weerar ku qaadaan, xarumo Dowladdu leedahay ama goobaha ay degan yihiin siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku dhow, garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in la foojignaado.

Cabdalla Cabadalla ayaa laga xayuubiyay xilii uu ka hayay NISA Bishii September 2018, Ka dib muranka dheer oo dhex maray isaga iyo hoggaanka hay'adda NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.