Jen Cabdalla: Farmaajo Soomaaliya Waxba uma reeban

Horey ayuu Farmaajo heshiis ugula galay Abiy Axmed June 2018 inuu ka iibiyo afar dekad oo Soomaaliya ku taalla, iyadoo sidoo kale u diray askar tababar ku qaadatey Eritrea. 

Warar Keydmedia Online
Jen Cabdalla: Farmaajo Soomaaliya Waxba uma reeban

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Jen Cabdalla, ayaa sheegay in Farmaajo uusan waxba u reeban sidii uu ku burburin lahaa dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Farmaajo indha tiray jacaylka uu u qabo Ethiopia, oo kahor mariya danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo taasi u sameynaya faraxadgelinta RW Abiy Axmed.

Farmaajo Soomaaliya Waxba uma reeban!. Jacaylka uu Ethiopia u Qabo wax walba Waa ka indho tiray," ayuu yiri Jen Cabdalla Cabdalla, oo ah dusiyaha sirta NISA.
 

Jen Cabdalla ayaa sheegay in shacabka u cadaatey qorshihii fashilmay ee MD hore Farmaajo ku siiyay 4ta dekedood Ethiopia iyo khatarka ay mustaqbalka keeni karto isku daygaas.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/risaaq Maxamed ayaa dhawaan sheegay in markii uu xafiiska joogey Farmaajo diiday in diyaarad militeri oo Masar leedahay in lagu soo qaado deeq daawo ah, oo Jaamacadda Carabta ugu deeqday Soomaaliya, isagoo ku raali-gelinaya Ethiopia oo kala dhaxeeya Masar khilaaf ku qotoma biyo-xireenka Webiga Nile.

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Afwerki waxay 2018 kala saxiideen heshiis iskaashi dhanka amniga iyo kuwa kale oo la xiriira sidii awoodda xoog ugu haysan lahaayeen, islamarkaana ay isku caawin lahaayeen hadii midkooda khatar soo wajahda, iyagoo Ciidan isku diraya.

Taasi waxay run noqotay dagaalkii Tigray, oo Farmaajo iyo Afwerki ay Ciidamo u direen Abiy Axmed, si ay uga gacan siiyaan burburinta Jabhadda TPLF, oo khatar ku ahayd Addis Ababa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.