Jen. C/Qeybdiid oo Qarax ismiidaamin ah ka badbaaday

Muqdisho (Keydmedia) - Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo lala damacsanaa in lagu khaarijiyo.
Warar Keydmedia Online
Jen. C/Qeybdiid oo Qarax ismiidaamin ah ka badbaaday

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Qaraxaasi ay ku geeriyoodeen qiyaastii ilaa shan ruux oo laba ka mid ahi ay ahaayeen kuwo isku soo xiray qalabka laga buuxiyay walxaha qarxa, kuwaasoo weerar ku soo qaaday hogya uu degan yahay hogaamiye kooxeedkaan (Cabdi Qeybdiid)oo ku yaal koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdi Qeybdiid oo wareysi siiyay warbaahinta kadib marka uu dhacay qaraxa ayaa sheegay in isaga loola dan lahaa, wuxuuna ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeysay weerarka fashilmay.

Wasiirkii hore ee macdanta wuxuu sheegay in labo nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudfudud, isla markaana lebisnaa waxyaabaha qarxa ay soo weerareen gurigiisa, iyagoo dilay waardiyihii iridda joogay, kaddibna xabbad ka billaabay gudaha guriga.

Gen. Cabdi Qeybdiid wuxuu intaas ku daray in iska horimaad xoogan uu gudaha gurigiisa ku dhex maray rag ka tirsan ilaaladiisa iyo kuwii weerarka soo qaaday.

Ilaalada sarkaalka ayaa ku guuleystay inay dilaan mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ka hor intuusan is qarxin, halka kii kale uu isku qarxiyay gudaha guriga kaddib markii ay rasaasta ka dhammaatay qorigii uu ku dagaalamayay.

Saddex ka tirsan ilaalada Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku dhintay weerarka, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal. Labo kale ayaa dhaawacmay.

Xaalada Gaalkacyo ayaa kacsan, walina lama aqoonsan ragga fuliyay weerarkan halka ay kasoo jeedaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho