Jidadka Muqdisho oo saaka Xir-xiran

Dowladda uu waqtigeeda dhamaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa xalay saqdii dhaxe jidadka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ku daadisay ciidan xoogan oo Milatari iyo Boolis isugu jira.

Warar Keydmedia Online
Jidadka Muqdisho oo saaka Xir-xiran

MUQDISHO, Soomaaliya -  Waxaa saaka guud ahaan xir-xiran waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana meel kasta daadsan ciidamo uu Farmaajo soo amray, si looga hor tag bannaan-baxa ay iclaamiyn Midowga Musharixiinta.

Ciidanka waddoyinka tuban ayaa diidaya in gawaaridu maraan jidadka, sidoo kale, laamiyada qaar looma ogola in shacabku ku lugeeyaan.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay amray in la weeraro Huteelka ay Muqdisho ka dagan yihiin Madaxweynayaashii hore ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamud.

Musharixiinta ayaa guud ahaan dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan bannaan-baxa, lamana oga qaabka uu u suura gali karo maadaamada la mumnuucay in tabadan isku socodka maagaalada.

KEYDMEDIA ONLIN

Commenting is not available in this channel entry.