Jidadka Muqdisho oo xiran

Waxaa la filayaa in Maanta uu furmo Shirka Farmaajo iyo Madaxda Maamullada dalka.

Warar Keydmedia Online
Jidadka Muqdisho oo xiran

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka ku nool Muqdisho ayaa saakay oo sabti ah ku waaberiistay xirnaanshaha wadooyinka muhiimka u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamo boolis ah oo gaadiidka dagaalka wata ayaa lagu arkayay jidadka waaweyn, iyagoo baaraya gaadiidka raaxadda, waxaana laga dareemiyaa feejignaan xoogan oo ku aadan dhanka amniga magaaladda.

Wararka KON ay helayso ayaa sheegaya in sababta loo xiray wadooyinka ay tahay inuu furmayo Shirka Madaxda Maamullada iyo Farmaajo, iyadoo la sugayo inuu Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Shirkan ayaa lagu waday inuu ka dhaco Villa Somalia balse ay diideen Deni iyo Axmed Madoobe, taasoo keentay in loo wareejiyo xarunta Afisyooni, oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.