Jilaagii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday

Allah u naxariistee, waxaa maanta Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajileystayasha Soomaaliyeed  ee aadka loo jeclaa.

Warar Keydmedia Online
Jilaagii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha u naxariistee, waxaa goor dhow Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku geeriyooday, Jilaagii caanka ahaa, aadkana loo jeclaa ee majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis), sida ay xaqiisisay warbaahinta Universal TV, oo uu in muddo ah ka mid ahaa shaqaalaheeda.

Ajakis, ayaa maalmihii la soo dhaafay, xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay Muqdisho, wuxuuna saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku xanuusanayay mid kamid ah Isbitaalada Caasimadda.

AUN, Cabdi Muridi Dheere, waxaa lagu xasuustaa, jilidda riwaayado, iyo qabashada barnaamijyo toos ah oo aad loo daawan jiray, wuxuuna qeyb weyn ka soo qaatay barnaamijyo wacyi galin ah oo dhinacyo badan taabanaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.