Jilib oo xasiloon saakay iyo dadka oo wali cabsanaya

Jilib (Keydmedia) - Waxaa saakay xaalad daganaasho laga dareemayaa degmada jilib oo ka tirsan gobalka J.dhexe halkaasoo shalay duqeyn qasaara shacab sababtay ay ka geesteen diyaarado dagaal.
Warar Keydmedia Online
Jilib oo xasiloon saakay iyo dadka oo wali cabsanaya

Dadka rayidka ah ee ku nool Jilib ayaa muujinaya sida ay uga walaacsan yihiin xaalada deegaanka sida ay hada tahay, waxaana ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan Duqeyn kale oo ka dhacday halkaasi.

Shabaab ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay u aargudi doonaan dadkii ku dhintay duqeyntaasi isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan talaabooyin wax ku ool ah oo shacabkaasi loogu aargudayo.

Mudooyinkanba duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa aad isu taraya shacabkana ay ku dhibaatoonayaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo