Jubaland oo soo saartay go’aan uu RW Rooble ku farxay

Waxay ahayd doorashadda mid dib khilaaf ka taagan yahay mudo ku dhaw hal sano, waxayna dib u dhacday saddex jeer tan iyo Dec 2020.

Warar Keydmedia Online
Jubaland oo soo saartay go’aan uu RW Rooble ku farxay

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubaland ayaa noqotay Maamulkii ugu horeeyay oo shaaciya liiska Musharixiinta Aqalka Sare iyo Waqtiga uu qabanayo doorashadooda oo loo asteeyay Khamiista, July 29.

Afar Kursiga iyo dadka u tartamaya ayay Jubbaland ku dhawaaqday, waxaana ku jira Fartaag iyo Iftiin Baasto, oo Axmed Madoobe kula tartamaya xilka Madaxweynaha, kuwaasoo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay kursiga, haddana raba inay soo laabtaan.

Waxaa si diiran usoo dhaweeyay tallaabadan Ra'iisul Wasaare Rooble oo shalay safar ugu ambabaxay dalka UK oo uga qeybgalayo Shirka Waxbarashadda Adduunka, kaasoo soconaya 28-29-ka July.

Waxa uu Rooble ugu baaqey Maamullada kale inay soo dedejiyaan doorashadda Aqalka Sare oo saddex jeer qabashadeeda dib u dhac ku yimid, iyadoo markii ugu dambeysay ahayd 25-ka bishan.

Aqalka Sare uu ka kooban yahay 54 Kursi, kuwaasoo loo qeybiyay dhamaan shanta Maamul ee ka dhisan dalka, gobollada waqooyi iyo Banaadiriga, waxaana jira khilaafyo ku saabsan sida loo qabanayo doorashadda.

Hoos ka akhris Jadwalka doorashadda Xubnaha Jubbaland ku matelaya Senate-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.