Maamulka Axmed Madoobe oo taageeray go’aanadii Midowga Afrika

Dowlad goboleedka Jubbaland oo kamida labada maamul ee sida rasmiga ah u diiddan muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo iyo hay'adaha kale ee dowladda ayaa soo dhaweysay go'aankii Golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika 

Warar Keydmedia Online
Maamulka Axmed Madoobe oo taageeray go’aanadii Midowga Afrika

KISMAAYO - Dowlad goboleedka Jubbaland oo kamida labada maamul ee sida rasmiga ah u diiddan muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo iyo hay'adaha kale ee dowladda ayaa soo dhaweysay go'aankii Golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika kasoo saareen shirkoodii Khamiista ee looga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

"Jubbaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika ee 22 -kii Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hortimid go'aankaasi, waxayna eedda waxyaabaha ay diiddan tahay dusha ka saartay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo ay ku sheegtay labadoodaba in ay yihiin cadaw Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].