Jubbaland oo soo dhaweysay ka qeyb galka shirka wada-tashiga

Jubbaland oo soo dhaweysay ka qeybb galMaamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay shirka wada-tashiga ee la qabanayo 15-ka bishaan, hayeeshee waxa ay soo jeediyeen in isku imaadku ka dhaco caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.ka shirka wada-tashiga

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo soo dhaweysay ka qeyb galka shirka wada-tashiga

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay shirka wada-tashiga ee la qabanayo 15-ka bishaan, hayeeshee waxa ay soo jeediyeen in isku imaadku ka dhaco caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu yiri, “Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo”.

Maamulka Puntland ayaa iska riixay in ay marti galiyaan shirkaan oo Farmaajo sheegay in lagu qabano Garowe, waxa ayna ku andacoodeen in  aan lagala tashan isla markaana uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee hay’adaha dowladda.

Jubbaland iyo Puntland oo si xooggan kaga soo hor jeeda kooxda Farmaajo ayaa diidaya in maadaama uu Farmaajo waqtigiisi sharciga ahaaa dhamaaday ay u sameeyaan maqaam Madaxweyne, taas oo waajib ku noqoneysa haddii uu shirkan ka dhaco Garowe.

KEYDMEDIA OMLINE

Commenting is not available in this channel entry.