Jubbaland oo soo gaba-gabaysay wajiga 1aad ee doorashadda Aqalka Sare

Waxaa Kismaayo ka dhacday doorasho billow u ah mida Baarlamaanka dalka, waxaana kusoo baxay afar Musharax.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo soo gaba-gabaysay wajiga 1aad ee doorashadda Aqalka Sare

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa soo gaba-gabeeyay doorasho saakay Kismaayo ka billaabatay, oo daah-fur u ahayd mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Waxaa noqday Senator-kii ugu horeeyay Ilyaas Badal Gaboose, oo 55 Cod helay, waxaana xigay C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo 71 cod, iyadoo C/risaaq Maxamed noqday musharixii 3aad ee guuleystay isagoo helay 59, halka Iftiin Baasto uu kursiga dib u hantay tartan la'aan.

Jubbaland waxay ku leedahay Aqalka Sare 8 kursi, waxaana muuqata inuu Axmed Madoobe qorsheeyay cida ku fariisanayso, maadaama madaxda maamullada la siiyay awood ay kusoo xulayaan Musharixiinta.

Doorashadda Kuraasta Aqalka Sare ayaa si rasmi ah uga billaabatay dalka, waxaana la filayaa in Koonfur Galbeed noqoto maamulkii 2aad ee qabta doorashadda, iyadoo bisha soo socota kuwa dhiman ay ku xigi doonaan.

Inkastoo khilaaf jiro meelaha qaar sida Somaliland iyo HirShabeelle, haddana waxay codbixinta socota rajo gelinaysaa dad badan oo mudo ku jiray shaki ah inay doorashadda dhacayso iyo inkale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.