Jubbaland oo war kasoo saartey khilaafka doorashadda

Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaciyay in Jubbaland aysan ka dhacaynin doorasho, hadii uu Farmaajo diido inuu kusoo wareejiyay maamulka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo war kasoo saartey khilaafka doorashadda

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubbaland ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay arrimaha doorashooyinka dalka, xaaladaha kala guurka ah iyo faragelinta ay Dowladda Federaalka ku hayso gobolka Gedo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Jubbaland ka dalbanayso DF inay gacanteeda kusoo celiyo Maamulka gobolka Gedo, oo 10 bilood kahor uu Farmaajo ku qabsaday Ciidamo uu Turikigaa Muqdisho ku tababarey.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorasho aan ka dhici karin gobolka aan gacantiisa ku jirin, isagoo ku eedeeyay Villa Somalia inay jebisay heshiiskii doorashooyinka 17-kii Septemer 2020 lagu gaarey Muqdisho, oo dhigaya in Maamul kasta labo goobood doorashadda lagu qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.