Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Maamulka Jubbaland ayaa xilkii uu hayay ka xayuubiyay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo u goostay dhanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ‘Janan’ oo maanta u wareegaya dhanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
Waraaq ka soo baxaday Madaxtooyada Maamulka Jubbaland, ayaa lagu yiri; “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbakand wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland”.
Cabdirashiid Janan oo ahaa gacanta midig ee Axmed Madoobe tan iyo markii dhidibada loo taagay Jubbaland ayaa hadda u wareegay dhanka DF oo ay si weyn u kala aragti duwan yihiin maamulka Madoobe.
Janan, wuxuu ku fashilmay inuu xoog ku qabsado gobolka Gedo, wuxuuna si weyn ugu jabay dagaal uu ku qaaday magaalada Beled-xaao 25-kii Janaayo 2021, wixii markaa ka danbeeyay, waxaa si hoose u socday wada-hadallo u dhaxeeya isaga iyo saraakiil ka tirsan Dowladda.
Xiriirka Axmed Madoobe iyo Janan ayaa ahaa mid liita todobaadyadii tagay, waxaana khilaafkooda loo aaneynayaa dhaqaalo la’aan xooggan oo soo food saartay Maamulka Jubbaland.
Cabdirashiid Janan, waxaa la rajeynayaa inuu si buuxda maanta ugu soo wareego dhanka DF, wuxuuna isla maanta la kulmi doonaa wafti uu hoggaaminayo Taliyaha Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin oo saakay ku wajahan degmada Doolow.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments