Juxa: Maamuladda Puntland & Jubbaland, ha isaga haraan Doorashada

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid 'Juxa' ayaa kula taliyay Maamuladda Puntland iyo Jubbaland in ay isaga haraan doorashada 2021.

Warar Keydmedia Online
Juxa: Maamuladda Puntland & Jubbaland, ha isaga haraan Doorashada

Iyadoo maanta Xukuumadda waqtigeedu gabaawsiga yahay ay ku dhawaaqday qabashada Doorasho aan heshiis lagu ahayn in ay ka bilaabeyso ayaa waxaa arintaas bartiisa Facebook kaga falceliyay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid 'Juxa'.

Cabdi Faarax 'Juxa; ayaa sheegay in isku dadaalki Dani iyo Qoor-Qoor uu fashilmay, islamarkaana uu Farmaajo qaatay siyaasad indho-adayg ah oo la yiraado "loo joojin maayo", wuxuuna Deni kula taliyay inuu dardar geliyo barnaamijkii Doorashooyinka Puntland.

Cabdi Faarax wuxuu si aan ka gambasho u sheegay in doorooyinka soo socda ay maamulada Jubbaland iyo Puntland aysan galin oo ay faraha ka qaadan 'kheyrna u rajeeeyaan'.

“Ballan-kabax doorasho: Isku daygii ugu dameeyey iyo dadaalkii Deni iyo Qoorqoor oo fashilay, iyo ballan-kabaxii ugu weynaa ee Farmajo ee doorasho loo dhan yahay oo WADA-ogol ah. Madaxweyne Farmajo wuxuu qaatay siyaasad indho-adayg ah oo la yiraado "loo joojin maayo". Madaxweyne Deni waxa keli ah oo u furan waa inuu dardar geliyo barnaamijkii Doorashooyinka Puntland, kana dhabeeyo ballantii uu reer Puntland la galay. Doorashada South-Central Somalia minus Jubaland waqtigeeda halla siiyo, khayrna haloo rajeeyo”.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday maanta qabashada Doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacayso deegaanadda maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed & HirShabelle oo uu wehliyo Gobolka Banaadir isla markaana aysan dhag jalaq u siin doonin maamulada kale iyo siyaasiyiinta mucaadka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.