Kalluumeysi sharci darro ah oo ka socda biyaha Soomaaliya

Xeer Ilaaliyaha Guud, wuxuu ku boorriyay ciidamada badda ee Soomaaliya inay soo xiraan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Kalluumeysi sharci darro ah oo ka socda biyaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo shirkado kale oo weli kalluumeysi sharci-darro ah ka sameynaya biyaha Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya maamullada maxalliga ah.

Suleymaan Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la dagaallanto kalluumeysiga sharci-darrada ah, isla-markana ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shirkadaha shisheeye.

Wuxuu intaas ku daray in kalluumaysiga sharci-darrada ahi uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ku habsaday kheyraadka Soomaaliya ee aan weli laga faa’iideysan, musiibo qaran ayuu ku tilmaamay kalluumeysiga shisheeye ee sharci –darrada ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud, wuxuu ku boorriyay ciidamada badda ee Soomaaliya inay soo xiraan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Sida ku xusan warbixinta Global Initiative oo la sii daayay bishii Luulyo 2021, kadib markii ay si joogto ah hoos ugu dhacayeen weerarrada burcad badeedda Soomaalida, tan iyo 2012, maraakiibta kalluumeysiga shisheeye ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo laabtay biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir ayaa shatiyo kalluumeysi oo sharci-darro ah hore u siiyay maraakiib shisheeye iyagoo maraya Shirkadda Kalluumeysiga ee North East Fishing (NEFCO).

Warbixin uu daabacay Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda sannadka 2020-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay lumineyso $ 300 milyan sanadkii dakhliga kalluumeysiga. Dukumeentiga ayaa sheegaya in Soomaaliya ay kalluunka ka hesho qiyaastii $135 milyan sanadkii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.