Kalsooni darrada uu Farmaajo dalka galiyay

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, kalsooni darrida uu dalka galiyay waa mid ay sababtay in hubka nuucyadiisa kala duwan lala soo galo Garoonka Muqdisho!

Warar Keydmedia Online
Kalsooni darrada uu Farmaajo dalka galiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Afatrii sano ee uu xukunka dalka fadhiyay wey ku yaraatay Madaxweynaha weli dhex fadhiya Villa Somalia ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, shacab weynihii maqlay natiijada habeenkii uu ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo soo dhaweynaya Farmaajo.

Afar sano kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisii iyadoo uu ku guul darreystay inuu doorasho aado dalku ayuu weli talada dalka awood ku haystaa, waxaana jira hab dhaqan cusub oo uu soo kordhiyay madaxweyne Farmaajo kaasoo ah in aan la is aaminin! Kala shakiga mas'uuliyiinta wuxuu gaaray in aan la isku soo dhawaan, oo ilaalo tiro badan la iska soo hormariyo.

Muddo ku dhaw toddobaad waxaa xerada Xalane ku hoyana madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), intii uusan soo gaarin garoonka diyaaradaha waxaa kasoo hor martay diyaarad sidday ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Madoobe, markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, wuxuu ugudbay dhinaca Xalane oo uu aaminsan yahay in ay ka aamin badan tahay halka ay ilaalada ka hayaan ciidamada Farmaajo ka amar qaata ee Nabad sugid, boolis iyo milatari isugu jira, kuwaasoo naftiisa uu kala cabsooday inuu usoo dhawaado!

Intii uu Axmed Madoobe dalka joogay waxaa la keenay Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed, baqdin darteed ayuu Axmed Madoobe kasoo qeyb gali waayay, sidoo kale Farmaajo oo la sugayay daqiiqado ayaa soo galay safka Salaadda isagoo xiran Jaakadaha xabadda la isaga celiyo, taasoo muujineysa amni darrida ka jirta magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in ciidamadii ilaalada midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaashii horeba ay joogeen goobta salaadda Janaasada lagula tukanayay marxuumka.

Garoonka Aadan Cadde waxaa soo gaartay diyaarad sidday ilaalada Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayey garoonka kasoo dageen, kala shakiga iyo aamin darrida heerka ay maanta gaarsiisantahay waa tii ugu xumeed abid taariikhda inta la ogyahay, waxaana sababteeda leh madaxweynaha talada haya ee muddo xileedkiisu dhammaaday, qori caaraddiisna ku fadhiya kursiga ugu sareeya dalka ee Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.