Kalsoonidii lagu qabay ciidamada oo hoos u dhacday

Xilligan adag ee uu dalku ku jiro, waa mid keentay in laga aamin baxo ciidamada xoogga dalka, maadaama ay ku milmeen arrimaha siyaasadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Kalsoonidii lagu qabay ciidamada oo hoos u dhacday

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa waqtigan la joogo laga rajo dhigay, kalsoonidii lagu qabay ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya, kuwaas oo xilligan noqday kuwa loo adeegsado fulinta dano gaar ah.

Tallaabooyinka guracan ee uu qaadayo hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, waxa ay soo de-dejiyeen in ay hoos u dhacdo, miisaankii ay lahaayeen ciidamada dalka, oo in dhaweydba dib u habeyn lagu sameynayey.

Waxaa hakaday qorshihii loogu wareejinayey amniga dalka, oo ay iminka gacanta ku hayaan AMISOM, waana arrin keeneysa in xooggaga nabad ilaalintu ay dalka ku nagaadaan, taas oo ah nasiib darro u soo hoyatay guud ahaan ciidamada qalabka sidda.

In kalsoonidii lagu qabay ay hoos u dhacdo, waxaa kaalin weyn ku leh, gabood falada ay u gaysanayaan dadka rayidka, maadama ay kordheen tacadiyada ay sameynayaan, oo laga xusi karo, handadaada, dilka iyo kufsiga.

Beesha caalamka oo ah, kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiyey dib u habeynta ciidanka, ayaa quus ka tagan daadaaladii ay muujiyeen, waana kuwa hadda ka digaya in ciidamada loo madax baneeyo amniga dalka, taas oo fududeyn karta, in ay gacanta ka baxdo xasiloonida yar ee ay Soomaalidu heysato.

Quburada amniga ka faalooda, ayaa sheegaya in ay adag tahay in ciidamadu ay ka soo kabtaan, fashilka ay dhaxleen, waana mid diideysa in dalku uu yeesho ciidan qaran oo huwan sumadii Soomaalinimo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.