Heshiiskii Maxmiyad galinta Soomaaliya oo la ansixiyay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Baarlamaanka Shariif Xasan oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen heshiiskii maxmiyad galinta Soomaaliya ee ka dhacay KAMPALA
Warar Keydmedia Online
Heshiiskii Maxmiyad galinta Soomaaliya oo la ansixiyay

393 ka tirsan  taageerayaasha Shariif Xasan iyo kuwa kale oo lacago lagu harqiyay ayaa waxa ay ku ansixiyeen heshiiskaasi ujeedadiisu ay aheyd maxmiyad galinta Soomaaliya.

Tira yar oo u muuqtay in ay damiir wadaniyadeed leedahay isla markaana isku dayay in ay muujiyaan heshiiskan buddhigiisu in ay tahay Gumeysi ayaa booq iyo qeylo looga saaray hoolka shirarka Waxaana qeyb ka ahaa dadkaasi Boot c.lle Magan.

Shalay ayeey aheyd kolkii Shariif Xasan fadeexad xoogan uu kala kulmay xarunta golaha shacabka kadib markii uu waayay cid dhageysatay, waxaana uu ku hanjabay xiligaas hadaan tiisa loo raacin in xabsiga la dhigi doono cidii ka hor imaado.

www.keydmedia.net