Kate Foster oo baaq kasoo saartey Doorashadda

Labo Maalin kahor ayay warqadaha aqoonsiga u gudbisay Madaxweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, oo si sharci darro ku jooga xafiiska.

Warar Keydmedia Online
Kate Foster oo baaq kasoo saartey Doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Cusub ee UK Kate Foster ayaa kulan aaladda ZOOM kula yeelatay Midowga Musharixiinta kasoo saartey baaq ku aadan doorashadda.

"Waxaan kulan la yeeshay Midowga Musharixiinta. Waa muhiim in dhamaan dhinacyada codadkooda la dhageyso. UK waxay ugu baaqaysaa dhamaan saamileyda inay sii wadaan wadahadallada si loo qabto doorasho loo dhan yahay, oo hufan," ayay tiri Kate.

Waxay diblomaasiyiinta ajnabiga ku hayaan faragelin arrimaha siyaasadda gudaha dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo ay Madaxda dalka u meeriyaan waxa ay sameynayaan ee taabanaya masiirka dalka.

Ma jirto dal aqbala in doorashadiisa uu ka hadlo diblomaasi ama safiir ajnabi ah, waxaana lagu wada dhaqmaa xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta madax-banaanida wadanka.

Sidee UK dareemi laheyd hadii Safiirka Ruusha u fadhiya London ugu baaqo Madaxda dowladda Ingiriiska inay la kulmaan Mucaaradka oo kala hadlo arrimaha gudaha ee dalkaas. Safiirka Ingiriiska ee Muqdisho waa inuu ixtiraamo xeerarka iyo borotokoolka diblomaasiyadeed?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waa inay fiiro gaar ah u yeelato howlaha aan habooneyn ee ka socda Xalane, ee sameynayaan wakiilada shisheeye ee jooga Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.