Kenya oo beenisay mar kale inaysan faro-gelin ku hayn Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyadoo beenisay in ay faro-gelin ku sameysay Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Kenya oo beenisay mar kale inaysan faro-gelin ku hayn Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyadoo beenisay in ay faro-gelin ku sameysay Soomaaliya taasoo ay ku eedeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Kenya ayaa kalfadhigii 978 -aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay isugu yimaadeen si ay uga fiirsadaan xaaladda ka jira Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ka sheegtay inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soomaaliya.

Been abuur iyo habaabin ayey ku sheegtay Kenya hadalka ku aaddan faro-gelinta Soomaaliya ay sheeganeyso, “Kenya waxay ka codsatay Golaha ammaanka in ay ka ilaaliso isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee saaxiibada Soomaaliya iyo Gobolka, bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad” ayey lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya.

Labada dowladood ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xumaaday kaddib markii dowladda Kenya lagu eedeeyay faro-gelin siyaasadeed, waxaana dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay dowladda Kenya iyadoo sidoo kalena joojisay ganacsigii kala dhexeeyay kaasoo ahaa Ganacsiga Qaadka, waxaana madaxweyne Farmaajo uu billaabay inuu codsado in ciidamada AMISOM ee dowladda Kenya ka socda lagu soo baddalo ciidamo kale maadaama ay is hayaan waddanka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.