Kenya oo bilaabaysa dhismaha darbiga ee Xadka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa u aragta dowladda hadda jirtay iney caqabad ku tahay dhismaha darbigan.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo bilaabaysa dhismaha darbiga ee Xadka Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan ka dowlad ahaan, iney dib u bilaabaan dhismaha darbiga ee xadka aan rasmiga ahayn uu dalkaasi la leeyahay Soomaaliya.

Brigadier Paul Njema, taiyaha qeybta Labaad ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa kulan uu magaalada B/xaawo kula qaatay odoyaal dhaqameed wuxuu ku sheegay in markii ay dhacdo dowladda madaxweyne Farmaajo ay dhismahan bilaabi doonaan.

Waxgaradkan ayuu ka codsaday iney kala shaqeeyaan arrimahan, si loo helo ammaan iyo kala dambeyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mid ka mid ah waxgaradkii la kulmay taliyahan ayaa isaga oo magaciisa qariyey u sheegay warbaahinta in dowladda dhexe looga baahan yahay iney feejignaan xooggan ka gasho damaca dowladda Kenya.

Kenya ayaa horey u dhistay qeyb ka mid ah darbigan, walow muran xooggan uu ka dhashay, islamarkaana la hakiyey dhismahiisa.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.