Kenya oo cadaadis ku billowday Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa billowday cadaadis xoog leh oo ku aaddan Soomaalida, kaddib 15 Maarso oo dacwadii Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ka billaabatay maxkamadda ICJ

Warar Keydmedia Online
Kenya oo cadaadis ku billowday Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa qaadeysa tallaabo kale oo ay ku muujineyso in ay cadaadis ku saareyso dowladda Soomaaliya taasoo ay uga gol leedahay sida ay uga xuntahay dacwaddii badda ee billaabatay 15 -kii Maarso xilli ay codsatay in dib loo dhigo, kaddibna ay ka baaqatay dhageysiga dacwada.

Kenya waxay shaacisay in ay tarxiili doonto Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ee aan haysan sharciga, kuwaasoo muddo ku noolaa waddanka Kenya, sidoo kale waxay sheegeen in lala wareegi doono hantida ganacsatada Soomaalida ee looga shakisan yahay argagaxisada ee ku dhex nool magaalada Nairobi iyo guud ahaan waddanka Kenya.

Tallaabadan ayaa u muuqanaysa tii labaad oo la xiriirta in kenya ay uga fal celineyso sida ay uga xuntahay billaabashada dacwadda kiiska badda ee kala dhaxaysa Soomaaliya taasoo ay horay u codsatay in dib loo dhigo, markii laga diidayna ay ka baaqatay sababo dhowra oo ay soo gudbisay awgeed maalmo kaddib markii ay dacwadda Badda ka billaabatay maxkamadda ICJ waddanka Holand.

Kenya ayaa tallaabo kale oo u muuqata in ay uga aar-gudaneyso Soomaalida qaadday taasoo ah in la xiro xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Ifo oo ku yaal Kenya kuwaasoo ay gacanta ku hayso Hay'adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, waxa ayna u qabatay muddo in lagu soo xiro xiryahaas.

Maalintii Arbacadda Kenya waxey hay’adda qaxoootiga adduunka ee UNHCR u qabatay mudo 14 maalmood ah in ay la timaado khariidad ku saabsan xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma, ayadoo ku hanjabtay in haddii ay jawaab ka waayaan UNHCR ay Qaxootiga Soomaaliya xoog kusoo musaa-furinayaan. 

Go'aankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xili Soomaaliya iyo Kenya kala goosteen xiriirka diblumaasiyadeed islamarkaana ay socoto maxkamadaynta dacwadda Badda ee labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.