Kenya oo dadaal adag ku bixineysa in dib loo dhigo go’aanka ICJ

Kenya markii ay ogaatey in looga adkaadey kiiska badda, ayay billowday inay saldhig ka dhisto Lamu, oo ku aadan cabirka xuduuda badda Soomaaliya, waxaana dhamaadkii September, xarigga ka jaray Uhuru.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo dadaal adag ku bixineysa in dib loo dhigo go’aanka ICJ

NAIROBI, Kenya - David Matsanga, oo ah khabiir ku takhasusay xallinta khilaafaadka, isla-markaana ah Guddoomiyaha Madasha Pan African (PAF), oo ka shaqeeysa xalinta khilaafadka Africa, ayaa warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, isaga oo ka codsaday in dib loo dhigo xilliga lagu dhawaaqayo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

David Matsanga, oo eegaya danaha Kenya, wuxuu ka digay inuu soo baxo xukunka la sugayo 12-ka Oktoobar, nuuc kasta oo uu ahaadaba, wuxuuna u aaneeyay inuu ga’aanku halis ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Isagoo u gogol-xaaraya, damaca bad boobka ah ee Kenya, ayuu sheegay in QM ay tahay inay soo farageliso oo la joojiyo xukunka, maxaa yeelay xukun kasta oo ay soo saarto ICJ wuxuu si fudud u kicin karaa xiisadaha ka dhex jira labada dal iyo gobolka. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan xilligii uu talada hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, ayay Soomaaliya gdbisay dacwadda badda, waxayna codsatay xadeynta soohdinta biyaha, 28-kii Ogosto, 2014-kii, si muranka looga saro qiyaas dhan 62,000 oo mayl laba jibaaran oo saddex-xagal ah, isla-markaana saliid hodan ku ah.

Matsanga, ayaa lagu xasuustaa, inuu warqad u qoray ICJ, bishii November 2019-kii, isagoo gudbiyay cabashooyin culus oo ka dhan ah Madaxweynihii xilligaas ee ICJ, Dr. Cabdulqaawi Axmed Yuusuf, oo ah garyaqaan iyo garsoore Soomaali ah oo ka shaqeeya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda tan iyo 2009, kaas soo noqday guddoomiyaha maxkamadda 2018 illaa 2021.

"Mudane. Xoghaye, Guud waxaan aaminsanahay in xukun kasta oo ka soo baxa ICJ waqti kasta oo ku saabsan muranka xuduudda badda uu dagaal ba’an ka kicin doono gobol ay weli colaadda Soomaaliya ka taagan tahay”. Ayuu ku yiri waraaqdiisa oo ku taariikheysay 7-dii bisha.

Mahdi Guuleed Khadar, Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa 20 September 2021, shaaciyay in Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto go'aanka kama dambeysta ah ee dacwaddda Badda 12-ka bisha October ee 2021.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya ayaa 24 September 2021, u sheegay Daily Nation, oo ka soobaxay Nayroobi, in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, uu qaadici doona go'aanka laga sugayo ICJ.

Kenya markii ay ogaatey in looga adkaadey kiiska badda, ayay billowday inay saldhig ka dhisto Lamu, oo ku aadan cabirka xuduuda badda Soomaaliya, waxaana dhamaadkii September, xarigga ka jaray Uhuru.

Waddanka, Kenya, wuxuu ka mid yahay dalalka ay Ciidamada AMISOM, ka joogaan Soomaaliya, askarta Kenya ee ku sugan dalka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4,000, kuwaas oo tacadiyo kala duwan lagu eedeeyay inay ka geysteen Gedo iyo meelaha ay ay ka howlgalaan, iyagoo duqeymo ku laayay dad iyo duunyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.