Kenya oo god kusii rideysa xiriirkeeda Soomaaliya

Kenya ayaa xafiis diblomaasi ka furatay Somaliland, iyadoo Nairobi u ogolaatay in mid kaas lamid ah Maamulka Muuse Biixii ka furto.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo god kusii rideysa xiriirkeeda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa markaan u muuqata mid aad usii xumeenaysa xiriirka kala dhaxeeyey Soomaaliya oo waayadan dambe mugdi aad u weyn ku jiray.

Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u ambabaxay Nairobi, kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ulajeedka ayaa ah in marka hore Madaxweynaha Maamulka Somaliland loo saeeyo maamuus Madaxweyne-nimo. Si Kenya ay uga sii carreysiiso DFS, waxay sameeneysaa in Biixi u ogolaato in Baasaboorka diblomaasiga ee Somaliland si caadi ah loogu tagi karo Kenya, sidoo kalena garab ay kasiiso raadinta ictiraafka ay raadineyso mudada badan Somaliland.

Inkastoo Kenya ay ka baqdy shuruudo badan oo Biixi soo gudbiyey kahor safarkiisa, ayaa hadana waxa ay dooneysaa iney dareensiiso waxyaabaha qaar iney diyaar ula tahay.

Hadaba haddii Kenya ay maanta u sameyso Muuse Biixi maamuus madaxweyne-nimo, sidoo kalena aqbasho Baasaboorka Somaliland, waxay taas ka dhigan tahay iney kala jartay Soomaaliya, sidoo kalena ay ku xadgudubtay xeerka caalamiga ah iyo kan u yaalla Midowga Africa.

DFS ayaan la ogeyn tallaabada kale ee u dhiman ee u qaadi doonto dhanka Kenya, maadaama mar hore ay qaaday tallaabooyin dhowr ah.

Kenya ayaa xafiis diblomaasi ka furatay Somaliland, iyadoo Nairobi u ogolaatay in mid kaas lamid ah Maamulka Muuse Biixii ka furto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.