Kenya oo ICJ ka dalbatay in dib loo dhigo kiiska badda

Sida uu qoray War-tabiyaha Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa Maxkamadda caalamiga ah ICJ ka dalbatay in dib loo dhigo kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya markii 4aad.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo ICJ ka dalbatay in dib loo dhigo kiiska badda

NAIROBI, Kenya -  Dowladda Kenya ayaa isku dayaysa in dib u dhigto dacwada badda markii Afaraad iyadoo adeegsaneysa dood aan waxba ka jirin oo ku saabsan in dhul ay leedahay uu kaga maqan yahay Soomaaliya.

Codsi ay u dirtay Kenya Maxkamadda caalamiga ah ICJ ayay ku soo bandhigtay Khariirad ay ku sheegtay in dhinaca berriga uu dhul kaga maqanyahay gudaha Soomaaliya, loona baahan yahay in Labada dal arrintaas xalliyaan.

Qorshaha ayaa ahaa in Maxkamadda ICJ ay  dhageysato kiiska Labada dal 15-ka Maarso 2021, taas oo ku soo adaysa xiilga ugu adag xaaladaha Soomaaliya, maadaaama uu dalku ku jiro marxalad siyaasadeed oo aan fadhin.

Bishii October 2019 ayay Maxamadda ICJ go’aamisay in dib loo dhigo dhacwaddan markii ay sidaan oo kale Kenya codsatay in muddadaas la baajiyo, bishii Jun 2020 ayaa mar kale loo ballamay waxaana hoosta laga xariiqay in aan mar kale dib loo dhigi doonin.

Waa baaqatay oo go’aankaas lama fulin, mar kale ayaana codsiga Kenya la aqbalay, markii Afaraad Kenya waxa ay is ku dayaysaa in ay ku rafato dood aan waxba ka jirin si dib loogu sii dhigo dhageysiga kiiska dacwada.

Dhawaan ayaa Hoggaankii Maxkamadda ee Soomaaliga ahaa Cabdiqawi Axmed Yuusuf  lagu beddelay Haweeney Mareykan ah.

Arrintaan kama aysan hadlin Farmaajo iyo kooxdiisa oo sabab u ahaa in dhageysiga dacwaddan oo dhowr mar dib u dhaco.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.