Kenya oo iska soo celiyey qaar ka mid ah rag ay qafaasheen

Dhibaatada ay ciidanka Kenya u geystaan shacabka Soomaaliyeed ayaan jirin dowlad kala xisaabtanta.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo iska soo celiyey qaar ka mid ah rag ay qafaasheen

Ciidanka Kenya ayaa maanta waxa ay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo keeneen Saddex nin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Lix ruux oo ciidankan horey u qafaasheen.

Saraakiil Kenyan ah ayaa la kulmay waxgradka Ceel-waaq, waxaana ay ku wareejiyeen raggan oo ay horey uga wateen deegaanka Yadoo oo qiyaastii 30-km u jira degmada Ceelwaaq.

Waxgaradka ayaa saraakiisha Kenyanka ah ka dalbaday in sidoo kale ay keenaan Saddexda kale ee gacantooda ku maqan.

Sidoo kale, waxgaradkan ayaa saraakiisha Kenya ka codsaday bixinta magta nin ay ciidankoodu dileen xilliga ay dadkan qafaalanayeen.

"Waxaan weydiinnay magta ninka ay naga dileen, ragga ay qafaasheenna kolleey Saddex bay keeneen, Saddex kalena gacantooda ayeey ku maqan tahay" ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii la kulmay saraakiisha Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa dhibaato badan ku haya shacabka ku dhaqan deegaannada ku dhow xadka aan rasmiga ahayd ee ay la leeyihiin Soomaaliya.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.