Kenya oo ka cabsi qabta weerarro argagixiso

Bruno Shioso, wuxuu xusay Kenya ay xoojisay ammaanka xudduudka, isla markaana ay hubisay dhammaan dadaallada looga hortagayo weerarrada ka dhaca dalkaas.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo ka cabsi qabta weerarro argagixiso

NAIROBI, Kenya – Dalka Kenya ayaa galay feejignaan amni oo dheeraad ah, kadib markii weerarro qaraxyo ah ay dhawaan gilgileen dalka xuduudda kala leh dhanka bari ee Uganda, kaas oo Isniintii la soo dhaafay ay  laba qof ku naf-waayeen dhowr kalana ku dhaawacmeen, kadib qarax ka dhacay degmada Mpigi ee bartamaha dalkaas.

Afhayeenka booliiska Kenya, Bruno Shioso, ayaa sheegay in Xukuumadda Nairobi ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo in dhacdo noocaas oo kale ah ay ka dhacdo gudaha Kenya.

Bruno Shioso, wuxuu xusay in Kenya ay xoojisay ammaanka xudduudka, isla markaana ay hubisay dhammaan dadaallada looga hortagayo weerarrada ka dhaca dalkaas.

Kenya, ayaa wajaheysay weerarro argagaxiso oo uga imaanayay Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fadhigoodu yahay Soomaaliya, tan iyo markii Nairobi billowday weerarrada milateri ee ka dhanka ah kooxda xiriirka la leh Al-qaacida, bishii Oktoobar 2011-kii, kaas oo loogu magacdaray “Howlgalka Linda Nchi,”.

Ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan milateriga Kenya ayaa lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay qarax todobaadkii hore ka dhacay gobolka Lamu oo u dhow soohdinta Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa ah waddanka ugu badan ee wajaha weerarada Al-Shabaab, marka laga yimaado Soomaaliya, waxaana dhacdooyinka la xusi karo ka mid ah weerarkii lagu qaaday Westgate Mall sanadkii 2013 kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof iyo xasuuqii Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 148 arday.

Sidoo kale, Soohdinta baaxadda leh ee u dhexaysa Soomaaliya iyo gobollada Waqooyi ee Kenya, ayaa degmooyinka Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa ka dhigtay bartilmaameedyo u nugul weerarrada Al-Shabaab, halkaas oo bishii Nofembar 2014 ay ku xasuuqeen 28 qof oo aan Soomaali ku jirin.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa la dhibaatoonayay gabood-fallada, ciidanka Kenya tan iyo 2011-kii markaas oo ciidanka difaaca Kenya lagu daray AMISOM.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo shacabka lala beegsanayo ka fuliya xuduudda, waxayna xilliyo kala duwan burburiyen goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin xarumo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.