Kenya oo kiiska Badda u gudbineysa Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in kiiska Badda ay u gudbineyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xilli ay soo xaadiri waysay dhageysiga maalintii koowaad ee dacwada muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya 

Warar Keydmedia Online
Kenya oo kiiska Badda u gudbineysa Golaha Ammaanka ee QM

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in ay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee ka furan maxkamadda Caddaaladda adduunka ee ICJ ee waddanka Holand ay hor geyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Muran badeedka ka dhaxeeya Soomaaliya oo soo jiitamayay toban kii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa maxkamadda Caddaaladda adduunka ee ICJ hor geeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dowladda Kenya ay isku dayday in dacwaddaasi dib loola laabto, hayeeshee madaxdii kala duwaneed ee xilka isaga dambeysay midkoodna ma uusan ogolaan in dacwada dib loo celiyo.

Kenya waxay codsatay in dib loo dhigo dacwada saddex jeer, iyadoo markii afaraadna ay ka diidday maxkamaddu, waxaana la go'aamiyay in 15 Maarso oo ku beegneed shalay in dacwadda la qaado, iyadoo Kenya ay soo xaadiri weysay kulankii ugu horreeyay ee qabsoomay shalay, sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa dhageysiga dacwadda maalintiisii labaaad la guda galo, iyadoo weli Kenya ay maqantahay,

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso in kiiska badda ay u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida ay qortay warbaahinta laga leeyahay waddanka Kenya Daily Nation Kenya ayaa rajo ka qabta in fara-galinta Golaha Ammaanka ay siin doonto xaq ahaanshiyaha Biyaha Soomaaliya ee ay ku qabsatay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.