Kenya oo ku celisay sababta ay uga baaqatay dacwadda Badda

Dowladda Kenya ayaa mar kale ku celisay sababta ay uga baaqatay dacwaddii badda ee kala dhaxaysay dowladda Soomaaliya, war qoraala oo ay soo saartay Kenya ayaa lagu faah-faahiyay sababta baaqashada.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo ku celisay sababta ay uga baaqatay dacwadda Badda

NAIROBI, Kenya - Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay arrinta la xiriirta muranka Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka galisay.

Kenya waxay ku andacooneysaa qodobbo dhowra oo ay aaminsantahay in ay xaq ugu leedahay in ay ka baaqato dacwadda Badda ee ka socota maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Qoraalka ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya waxay ku celisay mar kale in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weysay ay tahay Caddaalad-darro ay sheegtay in  maxkamadda ICJ ay ka tabanayso Kenya, xanuunka Covid-19 oo hoos u dhigay diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.

Waxaa intaasi ay ku dartay Kenya  in maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tiri qoraalkeeda inkastoo aysan cara-baabin cidda ay ula jeeddo in ay dano ka leedahay kiiska baddana ay gadaal ka riixeyso.

Halkan hoose ka akhriso warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.