Kenya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin go’aanka ICJ

Kenya, ayaa qaadday tallaabo muujineysa in looga adkaaday dacwada badda, kadib markii ay si cad u sheegeen in aysan aqbali doonin ga’aanka la xariira dacwada badda ee taalla ICJ.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin go’aanka ICJ

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka la filayo in toddobaadka soo socda ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ka gaarto muranka soohdinta badda Soomaaliya ee Keyna damacday in ay boobto 2005.

War maanta oo jimco ah ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa lagu sheegtay in xukunka ICJ, aan laga aqoonsan doonin dalkaas, isla-markaana Dowladda uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta aysan u hoggaansami doonin go'aan kasta oo ka soo baxa Maxamadda.

"Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid cad oo toos ah", ayuu yii Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda, Danjire Macharia Kamau.

Kamau, wuxuu shaki geliyay dhex-dhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague, wuxuuna xusay in Kenya tahay qaran madax -bannaan, mar dambena aan laguma xukumi doono maxkamad caalami ah, iyada oo aan oggolaansho cad laga haysan.

Dagaalka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, wuxuu bilaabmay 2014-kii, markaas oo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan lahaanshaha biyaha muranku ka taagan yahay u gudbisay ICJ.

Xukuumadda Nairobi, waxa ay ku doodday, in haddii maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ay ka garnaqdo kiiska, ay taasi horseedi karto dhibaatooyin bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Keydmedia Online, ayaa hore u baahisay {Halkaan ka aqriso} Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya uu sheegay in Uhuru uu qaadici doona go'aanka laga sugayo ICJ 12-ka bisha October 2021.

Soomaaliya iyo Kenya labaduba waxay ku tartamayaan lahaanshaha dhul badeed saddexagal ah, oo cabirkiisu yahay 62,000 oo mayl laba jibaaran, Kenya waxay doonaysaa in xagal 45 loo cabiro badda, halka Soomaaliya rabto xagal toosan, oo ku dherarsan xuduudeeda dhulka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.