Kenya oo laba jibbaartay xasuuqa shacabka Jubbooyinka

Askarta Kenya ee ku sugan dalka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4,000, kuwaasoo tacadiyo kala duwan lagu eedeeyay inay ka geysteen gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo laba jibbaartay xasuuqa shacabka Jubbooyinka

RAAS-GAMBOONI, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta Africa ee AMISOM, ay dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geysteen degaanka Raas-gambooni.

Carab Qoriyow, oo ka mid aha dadka degaanka ayay toogasho ku dileen ciidanka KDF, halka ay ugu yaraan laba kalana dhaawac halis ah gaarsiiyeen.

Sidoo kale, wararka ka imaanaya Raas-gambooni, ayaa tibaaxaya in ku dhawad 50 neef oo lo’ ah ay ku laayeen tuulooyin hoos taga degaannada  dhaca xuduudda labada dal.

Todobaadkii hore, cabsida dadka shacbaka ah ayaa siyaadday kadib, markii Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay muranka ka saartay badda Soomaaliya ee Kenya dooneysay in ay boobto.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa la dhibaatoonayay gabood-fallada, ciidanka Kenya tan iyo 2011-kii markaas oo ciidanka difaaca Kenya lagu daray AMISOM.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo shacabka lala beegsanayo ka fuliya xuduudda, waxayna xilliyo kala duwan burburiyen goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin xarumo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ka degi la'adahay Soomaaliya, oo faragelinta joogtada ah ku hayay tan iyo burburkii 1991, waxaana hadda qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo ka kooban wadamada safka hore, oo mudo dheer laga digayay inay Ciidan usoo diraan Soomaaliya.

Xiriirka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa caadi ku soo laabtay dhawaan, kadib markii Farmaajo uu muddo ku rafanayay xiriirka dalalka dariska ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.