Kenya oo sheegtay in ay Sanadka soo socda xirayso xeryaha Qaxootiga

Dowladda Kenya ayaa mar kale ku celisay qorshaheeda ku aaddan in la xiro xeryaha qaxootiga ee Kaakumo iyo Dhadhaab, iyadoo sheegtay in sanad kaddib la xiri doono xeyahaasi

Warar Keydmedia Online
Kenya oo sheegtay in ay Sanadka soo socda xirayso xeryaha Qaxootiga

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma muddo sanad ah kaddib oo ku beegan 30/Juun/2022.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Fred Matiangí, ayaa shalay gelinkii dambe kulan kula qaatay magaalada Nairobi madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu sheegay in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabi doono 5/May/2022 si ugu dambeyn Juun loo soo xiro kahorna la fuliyo howsha dib u raridda qaxootigaasi oo lagu celin doono waddankooda Soomaaliya.

Kenya ayaa horraantii sanadkan soo saartay baaq ay ku sheegtay in la xiri doono xeyaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo muddo laba toddobaad ah u qabatay dadka xeyahaasi ku jira, inkastoo markii ay dhammaatay muddadaasi ay maxkamadda sare ee waddanka Kenya aya soo saartay qaraar kale oo dib loogu dhigayo dib uraridda qaxootgaasi.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday, taas ayaana sababtay arrinta haatan taagan oo ay Kenya kaligeed ku dhawaaqday iyadoo aan kala tashan dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay markii uu cilaaqaadka xumaaday!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].